Thierry Henry oo ka codsaday France Football inay xirto cod-bixinta Ballon d’Or

0
194

Baladweyne (Radio Beerlula)-Halyeyga reer France ee Thierry Henry ayaa ka codsaday majaladda caanka ah ee France Football inay xirto cod-bixinta abaal-marinta Ballon d’Or ee 2022, sababa la xiriira in weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema kaligiis gaarayo uu goobta lagu bixinayo abaal-marinta.

Benzema ayaa ku guuleystay Champions League markii shanaad xirfadiisa ciyaareed, kaddib markii Real Madrid ay 0-1 ku garaacday Liverpool kulankii finalka ee xalay lagu ciyaaray garoonka Stade de France ee magaalada Paris.

Karim Benzema ayaa soo qaatay xilli ciyaareed aan caadi ahayn, isagoo ku guuleystay gooldhaliyaha ugu sarreeya Champions League, wuxuuna dhaliyay 15 gool, waxaana sidoo kale loo caleemo saaray gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka Spain, kaddib markii uu dhaliyay 27 gool, wuxuuna caawiyay 14 gool kale ee labada tartarn ah.

Labada ciyaaryahan ee Liverpool ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane, ayaa sanadkan ahaa ciyaaryahanada ugu cad cad ee kula tartamaya Karim Benzema abaalmarinta Ballon d’Or, balse kaddib markii ay Real Madrid ku guulaysatay koobka Champions League, fursada ay ku heli karaan abaal-marinta ayaa noqotay mid hooseysa.

Thierry Henry ayaa aaminsan in kadib markii ay Real Madrid ku guulaysatay koobka Champions Leaque-ga, in aanu wax shaki ah ka jirin in xidiga ay isku dalka yihiin ee Karim Benzema uu ku guulaysan karo abaalmarinta Ballon d’Or, wuxuuna xusay in aan loo baahnayn in albaabada loo furo codaynta, maadaama ay wax walba iska cad yihiin.

Wargeyska AS ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday hadalka halyeeyga reer France ee Thierry Henry, wuxuuna yiri:

“Waxaan rabaa kaliya inaan wax u sheego France Football ama kuwa codeeya, albaabada haloo xiro cod-bixinta, Benzema runtii wuxuu ku guuleystay Ballon d’Or, nabad galyo.”