Thierry Henry Oo Magacaabay Hal Arrin Oo Shaki Gelinaysa Fursadda Arsenal Ee Champions League

0
88

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Thierry Henry ayaa rumaysan in marka la eego jadwalka xidhiidhka ah ee kusoo aaddan Arsenal xilli-ciyaareedkan, in ay dibin-daabyo ku noqon doonto fursaddooda ku guuleysiga tartanka Champions League, inkasta oo ay si fiican ku bilowdeen.

Kooxda tababare Mikel Arteta ayaa waxay Arbacadii 4-0 ku xasuuqday PSV Eindhoven oo marti ugu ahayd Emirates Stadium, waxaanay u muuqdeen in ay kula dhaceen cadhadii ay ka qaadeen xilli-ciyaareedkii hore oo ay PSV ka reebtay tartanka Euroropa League.

Gunners ayaa boos walba waxay u haysataa laba ciyaartoy, hase yeeshee Thierry Henry ayaa waxa uu su’aal geliyey tayada hal ciyaartoy kaddib markii uu daawaday kulankii PSV ee Arbacadii.

“Maadaama aan ahay taageere Arsenal ah, waxa aan doonayaa in ay guuleystaan, waxaanan u rajaynayaa guul. Laakiin marka aad eegto ciyaartoyda ay aystaan, in ay ciyaarayaan horyaalka Premier League, Champions League iyo tartamada kale ee England, aad ayay ugu badan tahay.

“Laakiin waxa aan rumaysanahay in ay awood u leeyihiin in ay finalka tagaan, sababtoo ah waxay ciyaareen kulamo badan oo waaweyn oo ay guulo waaweyn gaadheen wiilashani.”