Tijaabooyinka tallaalka RNA ee ka hortagga kansarka sanbabada ayaa ka bilaabmay UK

0
95

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Janusz Racz, oo 67 jir ah, ayaa noqday bukaankii ugu horreeyay ee kansarka sanbabada ee UK ee lagu tijaabiyo daawo cusub oo aad loogu rejo wayn yahay inay wax ka beddeli karto habka loo daaweeyo cudurkan.
Tallaalkani waa mid shakhsi ahaaneed oo bara habka difaaca ee bukaan si uu ula dagaallamo cudurka isagoo baabi’inaya unugyada kansarka.
Janusz wuxuu si iskiis ah u aqbalay in loo isticmaalo tijaabinta tallaalka cusub.
Tallaalku wuxuu ku saleysan yahay tignoolajiyada RNA oo markii ugu horreysay lagu tijaabiyay Mareykanka xilligii uu caalamka faraha ba’an ku hayay cudurkii Covid-19.
Marxaladda koowaad ee tijaabooyinka caafimaad ee dawo kasta waxay had iyo jeer hubisaa bad-qabka daawada bukaanka.
130 mutadawiciin ah oo isaga oo kale ah ayaa loo isticmaali doonaa tijaabinta tallaalkan, waxaana baaritaanka lagu sameyn doonaa barbar socda in ka badan 30 xarumood oo cilmi baaris ah oo ku kala firirsan toddobo waddan. Xarumahan waxa ka mid ah University College London (UCL).