TikToker aflagaadeeyay madaxweynaha Uganda oo xukun xabsi ah lagu riday

0
35

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Wiil 21 jir ah ayaa noqday TikToker-kii ugu dambeeyay ee reer Uganda ee lagu xukumay xabsi ka dib markii uu sameeyay muuqaal lagu sheegay inuu ku aflagaadeeyay madaxweynaha Yoweri Museveni.

Emmanuel Nabugodi ayaa ka soo muuqday maxkamadda Isniintii, kadib markii uu toddobaadkii hore uu qirtay dambiyo afar ah, oo ay ku jiraan hadal naceyb ah iyo faafinta macluumaad lagu aflagaadeynayo madaxweynaha.

Nabugodi waxaa lagu riday xukun ah 32 bilood oo xabsi ah.

Nabugodi, oo caan ku ah inuu sameeyo majaajilo iyo waxyaabo qosol ah oo uu ku faafiyo baraha bulshada, ayaa sameeyay filim ku saabsan madaxweynaha, waxaana uu ku baaqay in madaxweynaha la ciqaabo oo la garaaco.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa si joogta ah uga cawda xannibaado lagu soo rogay xorriyadda hadalka ee dalka, iyagoo ku eedeynaya in madaxweynaha – oo talada hayay tan iyo 1986-kii – uusan u dulqaadaneynin dhaleeceynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here