Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa dhamaystirtay heshiis amaah ah oo ay kula wareegtay xiddiga reer Germany ee Timo Werner, kaas oo dib ugu soo noqonaya horyaalka Premier League oo uu sannad iyo badh ka maqnaa.
Timo Werner oo u ciyaari jiray Chelsea, ayaa waxa uu ka degay kooxda ay Blues xafiiltamaan ee reer London ee Tottenham oo kala soo wareegtay RB Leipzig, waxaanu Spurs ugu ciyaari doonaa amaah illaa dhamaadka xilli-ciyaareedkan ah, balse waxa ay Tottenham fursad u haysataa inay si rasmi ah u iibsato xagaaga.
Tababaraha kooxda Tottenham ee Ange Postecoglou ayaa dalbaday in loo keeno Timo Werner kaddib markii uu weeraryahanka reer South Korea ee Heung-min Son uu tegay ciyaaraha qaramada Asia oo uu muddo bil ah ku maqnaan doono, iyadoo horena ay dhaawacyo tiro badan kooxdiisu ula daalaa-dhacaysay.
Werner oo ay da’diisu tahay 27 jir ayaa xidhan doona No.16, waxaana haddii ay Tottenham ku qanacdo inay sii haysato ay si rasmi ah ugu iibsan karaan lacag u dhaxaysa £13 milyan oo Gini illaa £17 milyan oo Gini.
Timo Werner ayaa hadda ku ducaysanaya in aanu qaab-ciyaareedkiisu noqonin sidii labadii sannadood ee uu joogay Chelsea oo 89 ciyaarood oo uu u saftay uu kaliya u dhaliyey 23 gool iyo 21 kale oo uu caawiyey, iyagoo xagaagii 2020 kasoo bixiyey lacag dhan £47.6 milyan oo Gini.