Tirada ardayda ajaanibta ah ee laga masaafurinayo Mareykanka oo korodhay,

0
202

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Tirada ardayda ajaanibta ah ee lagu beegsaday Mareykanka ayaa korodhay, iyada oo dad bandanna la masaafuriyay kadib bannaanbaxyadii khuseeyey Falastiin

Toddobaadyadii la soo dhaafay, arday badan oo ajaanib ah oo ku nool Mareykanka ayaa la kulmayey dhacdooyin isdaba joog ah, kuwaas oo laga arkayey barahooda bulshada: wakiillo dhar-cad ah oo si lama filaan ah u kaxaynaya ardayda, iyagoo gelinaya baabuurro aan summad lahayn kuna ridaya xabsiyo dadka lagu hayo, ayaa la baahiyey.

Qaar badan oo lagu qabtay dhacdooyinkan – oo muuqaaladooda lagu duubay fiidiyowyo si weyn loogu faafiyay internetka – looma haysto wax dambi ah, balse waxay u muuqdaan kuwo si gaar ah loogu beegsaday ka-qaybgalka bannaanbaxyada taageersan Falastiin ee ka dhacay jaamacadaha Mareykanka.

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa si isdaba joog ah u sheegay in fiisaha ama dalkugalku uu yahay “sharaf” la siin karo ama lagala noqon karo qofka waqti kasta, sababo kala duwan darteed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here