Tirada caruurta sharoobada qufaca ugu geeriyootay dalka Gambia oo korodhay.

0
353

Baladweyne (Radio Beerlula)- Dowladda Gambia ayaa Jimcihii sheegtay in 70 caruur ah ay u dhinteen dhaawac daran oo kelyaha ah, kaasi oo loo maleynayo in uu ka dhashay sharoobada qufaca ee dalka India lagu farsameeyay.

Madaxweynaha Gambia Adama Barrow ayaa warkan ka sheegay shir deg deg ah oo golaha wasiiradu ay Khamiistii yeesheen kaasi oo ay kaga hadlayeen sidii xaaladdan wax looga qaban lahaa, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo ay Sabtida maanta ah faafisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sharoobada ayaa la ogaaday in ay samaysay shirkadda Maiden Pharmaceuticals Ltd oo fadhigeedu yahay magaalada New Delhi, taasi oo dhowaan la xiray mid ka mid ah warshadeheeda ku yaalla waqooyiga India, iyadoo mas’uuliyiinta caafimaadka ee halkaasi ay baaritaan wadaan.

Gambia ayaa sidoo kale baaraysa sababta dhimashada keentay, iyadoo todobaadkan guddi cusub loo saaray si ay baaritaan u sameeyaan sida lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada.