Tirada dadka adduunka oo 2024 korortay 0.9%

0
59

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tirada dadka adduunka ayaa kor u kacday in ka badan 71 milyan oo qof sanadkii 2024, waxayna manata oo ah billowda sanadka cusub ee 2025 noqotay 8.09 bilyan oo qof, marka loo eego qiyaasaha Xafiiska Tirakoobka Mareykanka ee la sii daayay Isniintii.

Kor u kaca 0.9% ee 2024 wuxuu ahaa wax yar oo gaabis ah laga soo billaabo 2023, markii dadka adduunka ay kordheen 75 milyan oo qof. Bishan January 2025, 4.2 dhalasho iyo 2.0 dhimasho ah ayaa la filayaa adduunka oo dhan ilbiriqsi kasta, marka la eego qiyaasaha.

Mareykanka ayaa koray 2.6 milyan oo qof sanadkii 2024. Dadka Mareykanka waxay maanta noqdeen 341 milyan oo qof, sida uu qabo Xafiiska Tirakoobka.

Maraykanka ayaa la filayey in 9-kii ilbiriqsiba hal dhalasho, iyo hal dhimasho 9.4 ilbiriqsi ee walba bishan January 2025.

Socdaalka caalamiga ah ayaa la filayey in uu hal qof ku daro dadka Maraykanka 23.2 ilbiriqsi kasta. Isku darka dhalashada, dhimashada iyo socdaalka caalamiga ah ayaa kordhin doona dadka Maraykanka hal qof 21.2 ilbiriqsi kasta, sida uu xusey Xafiiska Tirakoobka Mareykanka.

Ilaa hadda 2020-meeyadiii, dadka Maraykanku waxay kordheen ku dhawaad 9.7 milyan oo qof, oo ah heer kobaca 2.9%. Sannadihii 2010-meeyadii, Maraykanku waxa uu kordhay 7.4%, kaas oo ahaa heerka ugu hooseeya tan iyo 1930-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here