Tirada dadka dunida oo gaartay 8 bilyan oo qof

0
155

Baladweyne (Radio Beerlula)- Dadka adduunka ayaa Talaadadii gaaray 8 bilyan oo qof, sida laga soo xigtay saadaasha Qaramada Midoobay, iyadoo kobaca dadka intiisa badan uu ka yimid waddamada soo koraya ee Afrika.

Waxaa ka mid ah Nigeria, halkaas oo kheyraadku horeyba ilaa xadka uu u xaddidnaa.
In ka badan 15 milyan oo qof oo ku nool magaalada Lagos ayaa ku tartamaya wax kasta oo ay ku jiraan korontada sida ay nal ugu helaan guryahooda iyo sidoo kale gaadiidka dadweynaha sida basaska la raaco.

Qaar ka mid ah carruurta Nigeria ayaa u ambabaxay Iskuulladd shanta subaxnimo.
Soddonka sano ee soo socdana, dadka ku nool dalka ku yaal Galbeedka Afrika ayaa la filayaa inay intaas ka sii kordhaan, kuwaas oo tiradoodu ay hadda tahay 216 milyan, isla markaana gaari doona 375 milyan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.