Tirada dadka ku dhimatay daadadka dalka Spain oo korodhay.

0
35

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 158 qof ayaa ku dhintay musiibadii ugu xumeed ee fatahaadaha ku dhuftay Spain, iyadoo uu socdo gurmad lagu badbaadinayo dadka wajahaya xaaladaha halista ah ee dalkaasi ka taagan.

Khamiistii, in ka badan 1,200 shaqaale, oo ay caawinayaan diyaaradaha drones-ka, ayaa loo diray howlgalka badbaadinta ee ka socda qaybo ka mid ah dalka.

“Waayo-aragnimada ugu muhiimsan hadda waa in la badbaadiyo intii suurtagal ah dadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Pedro Sánchez, xilli uu booqanayay goobaha daadadku ay aadka u saameeyeen.

Waxaa jira meydad ku hoos jira dhismahayaasha daadadku burburiyeena, iyadoo fatahaadihii ugu darnaa ay dhaceen Talaadadii aan soo dhaafnay.

Daadadka waxaa sababay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay qaybo ka mid Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here