Baladweyne(Radio Beerlula)-ITirada dadka ku dhintay daadadka ka soo rogmaday biyo xireenka dumay ee Kakhovka, ayaa gaartay 16 qof sida ay sheegeen saraakiisha Kiyeef.
Saraakiisha Ruushka ayaa iyana sheegaya in daanta ay xukumaan ay daadadka ku dhinteen 29 qof.
Biyo xireenka dumay ee Kakhovka lixdii bishii June ayaa fatahaad balaaran ku sameeyay Koonfurta Ukrayn iyo qaybaha Ruusku haysto ee Ukrayn, wuxuna baabi’iyay dhul beereed baaxad leh, isagoo sidoo kale jaray marinada wax lagu gaar siin lahaa dadka raiydka ah.