Tirada dadka ku dhintay dhulgariirkii ku dhuftay Morooko oo kordhay

0
109

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Tirada dhimashada dhulgariirkii xoogga badnaa ee ku dhuftay dalka Morooko ayaa kor u dhaaftay 2,000 oo qof, iyadoo tiro intaa la eg ay ku dhaawacantay.

Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa sheegtay in 1,400 oo qof ay qabaan dhaawacyo halis ah, waxayna dhibaatada ugu culus ay ka dhacday Koonfurta magaalada Marrakesh.

Boqor Maxamedka lixaad ayaa ku dhaawaqay sedex maalmood oo baroordiiq qaran ah, isagoo amray in dadka badbaaday lala gaaro hoy, cunto iyo wax kasta oo caawimaad ah.

Dadka ayaa habeenkii labaad ku hoyanaya dhulka bannaan.

Dhulgariir cabirkiisu yahay 6.8 ayaa ku dhuftay Marrakesh iyo magaalooyin badan habeenimadii Jimcaha.

Dhulka fog ee buuraleyda ah ayaa la soo weriyay inay dhulka la sinmeen.