Tirada Dadka ku dhintay dhulgariirkii Turkiga oo sii korodhay iyo dad nool oo la helay.

0
291

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha samata bixinta Turkiga, ayaa helay dad badan oo ka badbaaday dhulgariirkii ku dhuftay dalkaasi 12 maalmood ka hor.

Saddex qof ayaa laga soo saaray dhismo ku dumay magaalada Antakya Sabtidii, kuwaasoo mid kamid ah uu markii dambe ku dhintay isbitaalka.

Illaa iyo hadda, in ka badan 46,000 oo qof, ayaa ku dhintay musiibada ka dhacday dalalka Turkiga iyo Suuriya, waxaana la filayaa in dhimashadu ay sii korodho, iyadoo dad badan weli la la’yahay.

Tirada dadka laga helay burburka hoostooda oo nool, ayaa hoos u dhacay oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay gaaray.

Waxaa madaxa maareynta musiibooyinka ee dalka Turkiga, Yunus Sezer, uu sheegay in howlaha samata bixinta “la soo gabagabeyn doono” habeenka Axadda.

Sabtidii, Wakaaladda Wararka Anatolia ee Turkiga, ayaa ku dhawaaqday in saddex qof la helay iyagoo nool, 12 maalmood kaddib dhulgariirkii dhacay 6-dii Bishan February, waxaana lagu qiyaasay 7.8.