Tirada dadka Mareykanka ah ee u dhimanaya Korona Feyras oo sii kordheysa

0
302

Baladweyne(Radio Beerlula)- Waxaa sare u sii kacaysa tirada sida maalinlaha ah ugu dhimanaysa cudurka Korona dalka Mareykanka, 24-kii saac ee ugu dambeysay waxaa Mareykanka cudurka Korona ugu dhintay 1,973 qof, taas oo ah tiradii ugu sarreysay ilaa iyo haatan lagu arko dalalka uu saameeyay Cudurka Korona ee Caalamka.

Gobolka New York ayaa ah gobolka uu saameynta ugu badan ku yeeshay cudurka islamarkaana ay ku dhinteen maalintii shalay aheyd 779 .

Maayarka gobolka New York, Andrew Cuomo ayaa amray in calanka hoos loo dhigo si xushmad loogu muujiyo dadkii dhintay.

Dhanka kale xogtii ugu dambeysay ee ay soo saartay jaamacadda Johns Hopkins ayaa muujineysa in guud ahaan caalamka uu cudurka soo ritay hal milyan iyo Shan boqol oo qof.

Cudurka Korona ayaa sidoo kale waxaa caalamka ugu dhintay 90,000 oo qof.

Dalka Taliyaaniga oo ka mid ah dalalka uu sida ba’an u saameeyay cudurka ayaa waxay dowladda sheegtay in dabayaaqada bishan laga yaabo inay dabciso xannibaadaha la soo rogay.

Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda ka digaysa halista uu cudurka ku yeelan karo dalalka soo koraya.

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in haddii uu si ba’an uga dilaaco cudurka Corona dalka Koonfurta Sudan uu sababi karo cawaaqib musiibo ku keeni karta malaayiin rayid ah oo aad u nugul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here