Tirada dadka Sacuudi Carabiya oo korortay 34 boqolkiiba.

0
94

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shacabka Sacuudi Carabiya ayaa kordhay saddex meelood meel tan iyo 2010, ayada oo aqlabiyadda muwaadiniinta boqortooyada ay da’doodu ka hooseyso 30 jir, waxaa sidaas lagu sheegay tiro koob ay daabacday dowladda.

Tiro-koobka Sacuudiga ee 2022 waa “sahanka dadweyne ee ugu dhammaystiran uguna saxsan ee la sameeyey taariikhda boqortooyada,” ayaa lagu yiri warbixinta Maamulka Guud ee Tiro-koobka.

Warbixinta ayaa dadweynaha dalkan hodonka ku ah saliidda ku sheegtay 32.2 milyan.

Tiradaas, ayaa 58.4 boqolkiiba ah muwadaaniin Sacuudiyaan ah, halka inta kale badankood ay yihiin dad kasoo jeeda Koonfurta Asia ama meelo kale oo ka mid ah Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.

Wadarta guud ee dadka degan Sacuudiga ayaa kor u kacday 34.2 boqolkiiba tan iyo 2010 – koror ah 8.2 milyan oo qof, kuwaas oo 4.8 milyan ka mid ah ay yihiin muwaadiniin Sucuudiyaan ah.

Dadka Sacuudiyaanka ah, ayaa 63 boqolkiiba ay da’doodu ka hooseysaa 30 jir.