Tirada dadkii ku dhintay qashinkii soo dumay Kampala oo gaaraya 21

0
65

Baldaweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 21 qof ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay geeridooda kaddib markii meel qashin buuraha ah uu yaalay ay soo dumeen magaalada Kampala dalka Uganda Shaqaalaha samatabixinta ayaa weli qodaya qashinka iyagoo rajo ka qaba in ay helaan cid ka badbaaday.

Qashibka ayaa soo dumay kaddib roob da’ayay toddobaadyo.

Qashin qubka oo ku fadhiyay 14km waa goobta kaliya ee qashinka lagu shuba magaalada Kampala oo lagu qiyaasay dadka ku nool 4 milyan.

Madaxda magaalada ayaa la sheegay in ay sanado raadinayeen goob cusub oo qashinka lagu shubo
Duqa magaalada Kampala, Erias Lukwago, wuxuu u sheegay wakaaladda wararka AFP “in ay musiibo aheyd wixii dhacay, wuxuuna intaas ku daray in weli dad badan ay qashinka soo dumay ku hoos jiraan.