Tirada dhimashada Caabuqa Covid-19 oo si weyn hoos ugu dhacday

0
129

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxa Heya’adda Caafimaadka aduunka WHO ayaa sheegay in masiibada COVID-19 laga yaabo inay dhammaato mustaqbalka dhow

Tedros ayaa warbixin uu ka jeediyey Geneva Arbacdii ku xusay in Tirada dhimashada ee uu sababay COVID-19 adduunka oo dhan ayaa hoos u dhacday usbuucii la soo dhaafay ilaa heerkii ugu hooseeyay tan iyo bishii Maarso 2020.

Madax WHO ayaa ku booriyay dhammaan waddamada inay si buuxda u tallaalaan “kooxaha ugu khatarta badan, oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka iyo dadka da’da ah.” Sida laga soo xigtay sarkaalku, tani waa hawl mudnaan leh oo ku saabsan habka loo gaaro yoolka ay dejisay WHO – in la tallaalo wax aan ka yarayn 70% dadka deggan waddan kasta.

Tirada caabuqa Covid-19 ayaa hoos u dhacday 28% marka loo eego todobadii maalmood ee la soo dhaafay halka tirada dhimashada ay hoos u dhacday 22%.