Tirada gabdhaha lagu kufsaday Afrika oo korodhay.

0
17

Baladweyne (Radio Beerlula)-Hay’adda carruurta u qaabbilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in siddeeddii hablood ee adduunka oo dhan ah, ay midkood mar uun la kulantay kufsi ama tacaddi kale oo jinsi ah.

Hay’adda ayaa diwaangelisay tiradii ugu badneyd ee laga diiwaan geliyey waddammada ka hooseeya Saxaraha ee Afrika.

UNICEF ayaa soo saartay qiyaasteedii ugu horreysay ee caalami ah oo ku saabsan tacaddiyada galmada ee carruurta, taas oo daaha ka qaadday in 79 milyan oo gabdho ah oo ku nool dalalkan ay la kulmeen tacadiyo iskugu jira kufsi iyo jinsi.

Arintan ayaa ka dhigan in mid kamid ah shanta gabdhoodba ee ku nool waddamada ku yaal Afrikada saxahara ka hoosaysa ee ay saameeyeen colaadaha iyo xasillooni darrida, ay la kulmeen tacaddiyo iyo kufsi ka hor inta aysan gaadhin da’da 18 jirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here