Tirada Haweenka kaligood safra ee caalamka oo kor ukacday

0
91

Baladweyne (Radio Beerlula)-Inkastoo ay sii kordheyso tirada dadka kalinimada ku safra, dumarku weli waxa ay la kulmaan caqabado marka aysan cidna wehlin. Balse waxaa jira dalal ku fiican sigidda amniga haweenka, kuwaasoo ay waqtiga ugu fiican ku qaataan gabadhaha safarka ku taga.

Ka dib markii muddo dheer uu socdaalka adduunka u xayirnaa cudurka corona awgiis , dadku hadda ma sugaan inta ay ka helayaan qof u raaca sfaraddooda ama lamaane. Sidaas awgeed waxaa aad u sii kordhaya tirade dadka waddamada dibadda ku aadaya kalinimada, gaar ahaan dumarka.

Daraasad ay sameysay hay’ad fadhigeedu yahay dalka Norway ayaa lagu sheegay in saddexdii qof ee caalamka u sarfa uu mid ka mid ah yahay qof keligiis socda. Sidoo kale, waxaa si xowli ah u sii badanaya dumarka da’doodu weyn tahay ee socdaalaya.

Cilmi baariska ayaa lagu sheegay in sanadkii 2022-ka ay dumarka da’doodu tahay 65 sano iyo wixii ka sarreeya kuso bateen safarrada caalamiga ah.