Tiradda dadka hoy-la’aanta ah ee adduunka oo sii kordheysa

0
92

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tirokoob cusub ayaa muujinaya in in ka badan 80 milyan oo qof ay hadda hoy la’aan yihiin adduunka oo dhan, waana tiradii ugu badnayd ee abid la diiwaan geliyo.

Tirakoobkan oo ay daabaceen hay’adda caalamiga ah ee arrimaha bini’aadantinimada ee Norwegian Refugee Council NRC iyo Xarunta Dabagalka Barakacayaasha ee IDMC, ayaa muujinaya in tirada dadka uu saameeyay ay laba jibaarmeen lixdii sano ee la soo dhaafay.

Warbixintu waxay sheegtay in ugu yaraan 74 milyan oo qof lagu qasbay inay guryahooda ka qaxaan colaado iyo rabshado darteed. Boqolkiiba 90 dadka lagu qasbay inay guryahooda ka cararaan waxaa sabab u ah dagaal iyo colaad.

In ka badan laba milyan oo falastiiniyiin ah oo ku nool Qaza ayaa hoy la’aan looga dhigay weerarrada joogtada ah ee Israel.

Suudaan waxaa gurayahooda ka qaxay in ka badan 11 milyan oo qof, waana tiradii ugu badneyd ee abid laga diiwaan galiyay hal waddan.

Wadamada kale ee warbixinta lagu xusay ee ay ka barakaceen dad badan ayaa kala ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Chad iyo Afgaanistaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here