Tirinta codadka doorashada madaxtinimada Nigeria oo socota.

0
143

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tirinta codadka ayaa ka socota Nigeria kaddib doorashadii madaxtinnimo ee ugu adkeyd tan iyo markii uu dhammaaday xukunkii militariga sanadkii 1999.

Dadka u soo baxay codeynta ayaa aad u badan, iyadoo da’yar badan, markoodii ugu horreysay codeynaya ay goobaha codbixinta sii tageen aroor hore.

Codbixintii shalay ayaa waxaa hareeyay dib u dhac baahsan oo ka jiray goobaha codbixinta, iyo sidoo kale kale warar sheegaya in la xaday sanduuqyada codbixinta.

Xisbiyada qaar ayaa walaac ka muujiyay sheegashooyin la xiriira wax is daba marin, taasoo horseedi karta natiijo lagu murmo.

Doorashooyinkan ayaa ah kuwa dimuqraadiyadeed ee ugu waaweyn Afrika, iyadoo ilaa 87 milyan oo qof la ansixiyay inay codeeyaan.