Tobaneeyo qof oo ku dhintay daadad iyo dhul go’ oo ka dhacay Tanzania

0
72

Baladweyne (Radio Beerlula)-Roobab mahiigan ah oo wata daadad xoogan ayaa ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka Tanzaniya taasoo keentay in tobaneeyo ruux ay ku dhintan daadadkan iyo dhul go’an.

Guryo, kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhul-beereed ayaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay.
Daadad baaxad leh ayaa ku sii qulqulaya waddamo ku yaalla Bariga Afrika, iyadoo dhacdada El Nino ay qayb ka tahay waxa sababay daadadkan.

Dowladda Tanzaniya ayaa sheegtay in 400 oo samatabixiyayaal ah loo diray waqooyiga degmada Hanang.

Si kastaba ha ahaatee, samatabbixiyeyaashu waxay ku shaqeynayaan xaalado adag, sida isgaarsiinta oo cilad ka jirto, jidadka oo go’ay ama burburay sida ay sheegtay afhayeenka madaxweynaha, Zuhura Yunus.
Saamiya Suluhu Xassan ayaa soo gaabineysa ka qeyb galka shirka cimilada COP28 ee ka dhacaya magaalada Dubai taasoo lagu wado inay dib ugu laabato dalka Tanzaniya.