Tobbanka Kooxood Ee Ugu Qiimaha Badan Dunida

0
92

Baladweyne (Radio Beerlula)-Shabakadda xog ururinta samaysa ee Forbes ayaa soo saartay liiska tobbanka kooxood ee ugu qiimaha badan dunida kubadda cagta.

Sida la saadaalin karayay booska 1-aad ayay kusoo baxday kooxda guulaha badan ee Real Madrid oo ay ku qiimeeyeen 6.07 Milyan dollar.

Kooxda booska labaad soo gashay ee dhammaystiraysa labada kooxood ee kaliya ee 6 Bilyan oo dollar gaadha ayaa ah Manchester United oo ku qiimaysan 6.0 Bilyan dollar.

Barcelona oo ka dib dhacsan kooxda uu xifaaltanku kala dhaxeeyo ee Real Madrid ayaa kaalinta saddexaad ku joogta 5.51 Bilyan Dollar.

Liverpool oo ah kooxda labaad ee ugu qiimaha badan Premier League ayaa 5.29 Bilyan dollar ay ku qiimaysay Forbes halka Manchester City ay booska shanaad kusoo dhammaystirtay 4.99 Bilyan dollar.

Bayern Munich ayaa lixaad ku joogta 4.86 Bilyan dollar halka PSG oo shabakaddu ay ku sheegtay kooxda kor u kaca ugu dhakhsaha badan samaynaysaa ay toddobaad kusoo gashay 4.21 Bilyan dollar.

Chelsea ayaa 8-aad joogta waxayna kasoo hormartay kooxaha ay London wada degaan ee Tottenham iyo Arsenal halka Juventus oo kaligeed Serie A ka joogtaa ay 10-aad fadhido.

Liiska Oo Sawir Ah

Image