Baladweyne (Radio Beerlula)-Halyeeyga kooxda Arsenal ee Tony Adams ayaa sameeyay qirasho lama filaan ah isaga oo qirtay in ay Man City wali ku guulaysan doonto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Arsenal ayaa 8 dhibcood ka horaysa Man City horyaalka premier League xilli Man City hal kulan oo baaqi ah haysato tartanka horyaalka.
Gunners ayaa si lama filaan ah wacdaro u dhigtay xilli ciyaareedkan iyaga oo kaliya 10 kulan u jira ku guulaysiga horyaalka premier League markii ugu horaysay tan ilaa 2001.
Laakiin Tony Adams ayaa sheegay in ay Man City wali ku guulaysan karto horyaalka premier League xilli ciyaareedka.
“Haddii Manchester City ay sideed dhibcood ku hogaaminaysa horyaalka iyada oo 10 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka, xitaa su’aal kama taagnaateen tartanka horyaalka”ayuu Adams Yidhi.
“Laakiin sababtoo ah waa Arsenal oo booskaas ku jirta, weli uma maleynayo inay ugu cadcad yihiin inay noqdaan horyaalka”.
“Anigoo ka hadlaya waaya-aragnimada shakhsi ahaaneed, waan ogahay sida ay u adagtahay in aad ka gudubto xariiqda dhamaadka marka ugu horaysa”.
“Kulamadii ugu dambeeyay ee aan ciyaarnay, waxa aan dhibco ka helnay kooxo aan waxba u ciyaarayn xilli ciyaareedka”.
“Waxa naga badisay Derby oo 2/1 nooga badisay, waxa laba gool naga dhaliyay Dean Saunders, waxan ku dhawaa in aan madaxa ka gooyo”.
“Waxan ku qaylinayay, maxaad sidan fiican ugu ciyaaraysaan? ma Liverpool ayaa mar kale doonaysaan in ay ku guulaysato horyaalka”.
“Haatan sidaas oo kale ayay noqon doontaa Xilli ciyaareedka Arsenal ee haatan, labada bilood ee soo socda waxa uu Arsenal u noqon doonaa final oo kale”.