TOP 10: Sannad Cusub Iyo Qiimayn Cusub – Tobanka Ciyaartoy Ee Ugu Qiimaha Badan Kubadda Cagta Sannadkan Curtay Ee 2024 Oo La Shaaciyey

0
113

Baladwayne (Radio Beerlula )-Tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan kubadda cagta ee qiimaynta cusub ee sannadkan curtay ee 2024, ayaa la shaaciyey. Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa si weyn usoo dallacay oo kaalinta koowaad soo galay, isla markaana dhaafay Erling Haaland oo qiimayntii ugu dambaysay ee ay samaysay CIES Football Observatory hoggaaminayay.

Shabakadda qiimaynta iyo xogta ciyaartoyda ee CIES Football Observatory ayaa waxa ay qiimaynteeda cusub ku samaysay in ka badan 6,000 ciyaartoy oo adduunyada oo dhan ah oo ay soo bandhigtay halka ay ka taagan yihiin suuqa iibka ciyaartoyda.

Xiddiga England ee Jude Bellingham ayaa kaalinta koowaad soo galay oo uu qiimihiisu noqday €267.5 milyan oo Euro oo u dhiganta £230.4 milyan oo Gini.

20 jirkan oo xagaagii ay Real Madrid £113 milayn oo Gini ay kaga soo iibsatay Borussia Dortmund ayaa uu si weyn u kacay qiimihiisu, kaddib markii uu si fiican kula bilowday kooxdiisa cusub ee Real Madrid oo 22 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 17 gool.

Waxa kaalinta labaad u dhacay weeraryahanka Manchester City iyo xulka Norway oo hore u ahaa ciyaartoyga kaalinta koowaad, waxaana uu qiimihiisa suuqa iibka ciyaartoydu marayaa £216.4 milyan oo Gini, halka Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes oo Real Madrid ah ay saddexaad iyo afraad ku kala jiraan oo ay qiimeyaashoodu marayaan £215.6 milyan oo Gini iyo £213.6 milyan oo Gini.

Waxa shanta kaalmood ee sare dhamaystiray xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka oo qiimihiisu marayo £192.1 milyan oo Gini.

Halkan kaga bogo 10ka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan kubadda cagta waqtigan

1. Jude Bellingham (Real Madrid iyo England) – £230.4 milyan

2. Erling Haaland (Manchester City iyo Norway) – £216.4 milyan

3. Vinicius Junior (Real Madrid iyo Brazil) – £215.6 milyan

4. Rodrygo (Real Madrid iyo Brazil) – £213.6 milyan

5. Bukayo Saka (Arsenal iyo England) – £192.1 milyan

6. Phil Foden (Manchester City iyo England) – £168.7 milyan

7. Gavi (Barcelona iyo Spain) – £151.2 milyan

8. Julian Alvarez (Manchester City iyo Argentina) – £142 milyan

9. Jamal Musiala (Bayern Munich iyo Germany) – £131.3 milyan

10. Martin Odegaard (Arsenal iyo Norway) – £129.8 milyan