TOP 20: Mushaharka Kooxaha Premier League Oo La Shaaciyey, Chelsea & United Oo Kusoo Laba-jibbaarmay Arsenal

0
117

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mushaharka sannadlaha ah ee ay bixiyaan kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la shaaciyey iyadoo Chelsea ay noqotay naadiga ugu sarreeya kaddib markii ay soo iibsatay ciyaartooyo tiro badan oo ay kusoo jiidatay lacag.

Arsenal ayaa mushaharka ay bixiso, waxa uu kala-badh ka hooseeyaa midka ay bixiso Celsea, iyadoo Mancester United ay tahay kooxda kaalinta labaad oo ay waxyar ka hooseyso Chelsea, laakiin Manchester City oo la filayay inay noqoto midda ugu sarreysa ayaa hoos ugu soo dhacday booska saddexaad.

Chelsea ayaa waxay sannadkii mushahar u bixisaa lacag gaadhaysa £212 milyan oo Gini oo Gini, iyadoo Todd Boehly uu labadii xilli-suuq ee ugu dambeeyey uu kharash gareeyey in ka badan £600 milyan oo Gini iyadoo waliba uu muddo toban bilood oo kaliya ahaa mulkiilaha naadigan.

Manchester United ayaa waxay iyaduna sannadkii mushahar u bixisaa £211 milyan oo Gini oo ay ciyaartoydeedu qadanayaan, halka Manchester City ay bixiso £182 milyan oo Gini.

Afraad iyo shanaad ayay ku kala jiraan Liverpool iyo Tottenham oo mushaharka ay ciyaartoydooda siiyaan sannadkii ay wadar ahaantoodu noqonayso £158 milyan oo Gini iyo £110 milyan oo Gini, sida ay u kala horreeyaan.

Arsenal oo ah kooxda horyaalka shanta dhibcood ku hoggaaminaysa ayaa waxa ay sannadkii mushahar u bixisaa in ka yar £100 milyan oo Gini, waxaanay isku dhow yihiin Aston Villa, Everton, West Ham iyo Newcastle United oo dhamaantood mushaharka ay bixiyaan uu u dhexeeyo £76 milyan oo Gini illaa £90 milyan oo Gini sannadkii.

Waxa kusoo xiga Leicester, Crystal Palace, Nottingham Forest, Fulham, Wolves iyo Southampton iyadoo sagxadda hoose ay fadhiyaan Leeds United, Bournemouth iyo Brentford oo ah saddexda kooxood ee mushaharka ugu yar bixiya.

Halkan kaga bogo mushaharka ay koox walba oo Premier League ah sannadkii ku bixiso mushaharka: