Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda ree London ee Tottenham ayaa la sheegayaa inay go’aan ka gaadhay qaabka kaliya ee ay hoggaamiyaheeda Harry Kane ku iibin karto suuqa xagaaga soo socda.
Manchester United ayaa kamida kooxaha suurogalka ah ee Kane ku biiri karo balse Spurs ayaan doorbidayn inay koox ay horyaalka wada joogaan ka iibiyaan 29 sano jirkaas.
Sida lagu sheegay wargeyska The Times, Tottenham ayaa ku doonaysa iibka Harry 100 Milyan oo pound oo hal mar loo wada shubo halkii sanado kala duwan lagu bixin lahaa.
Tottenham ayaa qabta in qoddobka ah inay 100 Milyan oo pound hal mar wada doonayaan meesha ka saari doono xiisaha Manchester. Heshiiska Kane kula joogo kooxda ree London ayaa dhacaya sanadka dambe ee 2024.
Tottenham ayaa sidoo kale ka warqabta in Man United aysan doonayn wadahadalo dheer maadaama ay saamayn karto qorshahooda ah inay weerarka iska xoojiyaan.
Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa ah laba kooxood oo kale oo saxeexa Kane lala xidhiidhinayo balse ciyaaryahanka ayaa la aaminsan yahay inuu doonayo sii joogista Premier League si uu rikoodhka gool dhalinta Premier League ee Alan Shearer u gaadho.
Kane ayaa ah gool-dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Tottenham isagoo 271 gool usoo dhaliyay kooxdaas balse wali hal koob waayihiisa ciyaareed kuma guuleysan.