Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tottenham ayaa ku guuleysatay saxiixa garabkii middig kooxda Sporting ee Pedro Porro kaasi oo muddo suuqa kala iibsiga laga doonayay
Laaicbkaas 23 sano jirka ah ayaa saacadaha soo socda tijaabada caafimaadka u maraya Tottenham si uu qalinka ugu duugo hishiiska
Warka waxa uu intaas ku darayaa in Tottenham laacibka ka saxiixanayaan hishiis gaaraya illaa iyo xagaaga 2028-da lamana helin qiimaha dhabta ah ee uga baxday soo xero gilintiisa xilli wararka qaar sheegayaan in ay ku soo dhameeyeen aduun dhan 38 milyan oo euro
Pedro Porro: “Waan u mahadcelinayaa Sporting, waan jeclahay kooxda” ayuu yiri laacibkaas ka dib markii la xaqiijiyay wareegitaanka