Tottenham Vs Man City

0
168

Baladweyne (Radio Beerlula)-Man City ayaa kulan adag waxa ay marti ugu yihiin Tottenham , waxa ayna haminayaan in ay ka faa`ideystaan taakada loo dhigay Arsenal

Xogta Kulanka

*Manchester City ayaa laga badiyay dhamaan afartii kulan ee horyaalka iyo koobabka ay ku ciyaartay garoonka Tottenham Hotspur Stadium iyadoo aan wax gool ah dhallin .

*City ayaa 27 guuldaro oo Premier League ah kala kulantay Spurs, waana tirada ugu badan ee ay kala kulmaan koox gaar ah.

*Tottenham ayaa laga badiyay dhamaan shantii kulan ee horyaalka xilli ciyaareedkan oo ay wajahday kooxaha haatan kaga sareeya kala sareynta horyaalka

*Spurs ayaa halis ugu jirta in laga badiyo seddex kulan oo isku xigta oo ay ku ciyaarto garoonkeeda markii ugu horeysay tan iyo Sebtember 2008.

*Harry Kane, oo afar gool ka dhaliyay 13 kulan oo horyaalka ah oo uu ka horyimid City, ayaa hal gool u jira inuu noqdo ciyaartoygii saddexaad ee 200 oo gool ka dhaliya Premier League, ka dib Alan Shearer iyo Wayne Rooney.

*Kane haddii uu gool dhaliyo kulankaan waxa uu u noqonaaa  kiisii ​​267-aad ee tartamada oo dhan uu u dhaliyo Spurs, taas oo la macno ah in uu dhaafo Jimmy Greaves goolhayaha taariikihiga ah ee Tottenham

*Manchester City ayaa markii ugu horeysay xili ciyaareed kaan u tartamaysa inay badiso seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah.

*Riyad Mahrez ayaa si toos ah ugu lug yeeshay 11 gool oo Premier League ah oo uu ka dhaliyay Tottenham, waana in ka badan inta uu ka dhaliyay kooxaha kale, todoba jeer ayuu shabaqa soo taabtay, afar kalena caawiyey.