Tottenham Vs Mna City: Spurs Oo Rikoor Aan Horay Loo Dhigin Ku Sameyn Karta Tababare Guardiola Spanish football manager

0
157

Baladweyne(Radio Beerlula)-Man City ayaa wajaheysa Tottenham kuwaasi oo kulamadii ugu dambeeyay ka gacan sareeyay hantiilayaasha

Xogta Kulanka

*Manchester City ayaa laga badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay wajahday Tottenham.

*Spurs ayaa noqon karta kooxdii ugu horeysay ee seddex kulan oo xiriir oo horyaa ah ka badisa koox uu maamulo Pep Guardiola.

*Manchester City ayaa laga yaabaa in seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah waliba  gurigeeda  ay noqdaan guul la’aan markii labaad ee uu hogaamiyo Pep Guardiola, iyadoo horey sidaas u sameysay 2016.

Guardiola ayaa laga badiyay seddex ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay ee uu ka horyimid Antonio Conte tartamada oo dhan,

*Tottenham ayaa isha ku haysa in ay badiso kulamo xiriir ah oo ay martida tahay markii ugu horaysay xilli ciyaareedkan.