Trump iyo Netanyahu oo isku raacay qorshaha nabadda ee Qasa

0
101

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inay ku heshiiyeen qorshe cusub oo nabadeed oo loo sameeyo Qasa.

Qorshahan ayaa soo jeedinaya in si degdeg ah loo joojiyo hawlgallada milatari, iyadoo Xamaas ay sii deyneyso 20 qof oo Israa’iiliyiin ah oo la haystayaal ah iyo haraaga in ka badan labaatan la haystayaal ah oo la rumaysan yahay inay ku dhinteen 72 saacadood gudahood, taas oo ay ku beddelanayaan boqollaal reer Qasa ah oo la xiray.

Ilo Falastiini ah oo wax ka og wada xaajoodka xabbad joojinta ayaa BBC u sheegay in saraakiisha Xamaas la siiyay soo jeedinta Aqalka Cad oo ka kooban 20 qodob.

Xamaas ayaa laga dalbaday in aysan wax door ah ku yeelan doonin maamulka Qasa, waxayna ka dhigeysaa mid albaabku u furan yahay in la helo dowlad Falastiiniyiin ah.

Maamulka Falastiiniyiinta ee maamula Daanta Galbeed ee ay Israa’iil haysato ayaa ku tilmaamay dadaalka madaxweynaha Maraykanka mid daacad ah oo go’aan leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here