Trump oo doonaya in dib loo furo xabsiga Alcatraz oo hadda ah matxaf loo dalxiis tago.

0
182

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa labo jibbaarey soo jeedintiisii ahayd in dib loo furo loona ballaariyo xabsiga Alcatraz ee ku yaalla jasiiradda biyaha qabow ee San Francisco Bay.

Alcatraz oo dadku u yaqaannaan “The Rock” — looma isticmaalin xabsi ahaan muddo tobannaan sano ah, waxaana hadda loo aqoonsanyahay goob matxaf ah oo ay sannad walba booqdaan malaayiin dalxiisayaal ah.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in xabsigaas dib loo furi karo si loogu xiro maxaabiista khatarta ah, isla markaana uu u noqdo astaan muujinaysa sharci iyo kala dambayn gudaha Mareykanka.

Laakiin khubarrada ayaa sheegaya in dib u dhiska xabsigaas burburay ay tahay “mid gabi aan macquul aheyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here