Saamiyada Tesla oo hoos u dhacay

0
141

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Saamiyada Tesla ayaa hoos u dhacay 14%, iyadoo khilaafka u dhexeeya Elon Musk iyo Madaxweyne Trump uu si weyn u muuqday.

Shirkadda ayaa khasaartay qiimo lacageed dhan $150 bilyan (£110.7 bilyan).

qiimaha saamiyada Tesla hadda wuxuu ku dhow yahay meesha uu joogay bil ka hor – ka hor intii Musk aanu shaacin inuu ka tagayo shaqadiisa Aqalka Cad si uu ganacsigiisa usii wato.

Qiimuhu wuxuu hoos uga dhacay 25% bilowgii sanadkan, laakiin wuxuu kor u kacay 60% intii lagu jiray 12-kii bilood ee la soo dhaafay.
Ka dib doorashadii Mareykanka sanadkii hore, saamiyada Tesla ayaa si weyn u kacay, maalgashadayaashuna waxay ku khamaareen xidhiidhka dhow ee Musk la lahaa madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here