Trump oo ku hanjabay inuu canshuur dheeraad ah ku soo rogi doono Midowga Yurub iyo Shiinaha

0
136

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu canshuur dul dhigo Midowga Yurub, oo ku eedeeyey in ganacsi aan caddaalad aheyn uu kala dhaxeeyo Mareykanka.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay ka doodaysay canshuur ciqaab oo dhan 10% oo la saaro alaabaha laga keeno Shiinaha, sababtuna tahay in daroogada fentanyl oo ka timaada Shiinaha loo soo gudbiyo Mareykanka iyada oo lasoo mariyo waddamada Mexico iyo Canada.

Trump ayaa hoosta ka xariiqay rabitaankiisa mudada dheer ee ah in la ballaariyo canshuuraha, iyadoo 1-da Febraayo loo qabtay waqti kama dambeys ah si loo soo rogo canshuur 25% ah oo saameyn doonta Canada, Mexico, Shiinaha iyo Midowga Yurub.

Trump ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo waddamada kale ay leeyihiin faa’iidooyin ganacsi oo xad-dhaaf ah oo ka dhan ah Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here