Trump oo lacagtii gidaarka ka heley meel kale

0
302

Baladweyne(Radio Beerlula)- Aqalka Pentagonka ee looga taliyo militariga dalka Maraykanka ayaa ansixiyay lacag dhan $1 bilyan oo doolar oo ka mid ahaa miisaaniyadda ciidanka in loo leexiyo dhanka dhismaha gidaarka uu ku taahayo madaxweyne Donald Trump.

Lacagtan ayaa ah tii ugu horeysay oo la heley tan iyo intii madaxweynaha uu ku dhowaaqay xaaladda degdegta ah si uu u hareer maro xanibaadda ka haysata Aqalka Congress-ka ee ku saabsan lacagaha gidaarka.

Xildhibaanada xisbiga dimoqoraadiga ayaa kasoo horjeedsaday go’aankan, balse ma jirto meel ay hadda wax ka qaban karaan.

Lacagta hadda la heley kuma wada filna in ay gidaarka dhisto, kaliya waxaa lagu oodayaa 91km oo loo arkay in ay yihiin goobo halistoodu badantahay oo la sheegay in daroogada iyo dambiilayaasha ay kasoo talaabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here