Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump ayaa saxiixay amar fulineed oo uu ku bixiyay in la billaabo macdan qodista xeebaha iyo dhulka Mareykanka , iyadoo amarkan uu farayo shirkadaha macdanta Mareykanka inay tagaan goobaha macdanta ee adduunka oo dhan.
Trump ayaa sheegay in Mareykanka uusan harin doonin tartanka bilowga ah ee macdanta, sida ay warisay shabakadda Bloomberg.
Macdanta ayaa muhiimad u leh warshadaha milatariga , diyaaradaha Mareykanka , maraakiibta iyo nidaamyada difaaca oo u baahan macdan.
Shirkadaha Mareykanka ayaa hadda diiradda saarayaan macdanta Afrika.


