Trump oo sheegay in arrinta Gaza ay meel wanaagsan mareyso

0
115

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa rajo ka muujiyay suurtagalnimada in si dhakhsa ah loo soo afjari karo dagaalka Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in horumar weyn laga gaaray wada hadalada xabad joojinta Gaza, isla-markaana ay heshiis gaari karaan Israel iyo Xamaas.

Madaxweynaha ayaa Warbaahinta u sheegay in horumarka laga gaaray wada hadaladan uu ka dhashay soo afjaridda dagaalkii 12-ka maalmood ee u dambeeyay ee dhex maray Iran iyo Israel.

Madaxweyne Trump ayaa ku faanay in duqaynta ay Axaddii u gaysteen saddex ka mid ah goobaha nuclear-ka ee Iran awgeed ay heli doonaan war wanaagsan oo ku saabsan arrinta Gaza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here