Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweyne Donald Trump ayaa maanta sheegay in Maraykanku uu “xarumo cunto” ka samayn doono Qasa si ay gacan uga geystaan ka hortagga dhibaatada sii xumaanaysa ee gaajada ee halkaa ka taagan.
Trump ayaa u sheegay saxafiyiin uu la hadlayey in ay gaajo dhab ah ay ka jirto Gaza, isaga oo intaa ku daray in Maraykanku uu xarumo cunto ka samayn doono dhulkaas.
“Waxaan samayn doonaa xarumo cunto oo ay dadku socod ku dhex mari karaan – oo aan lahayn xuduud. Ma yeelan doonaan xayndaab,” ayuu u sheegay suxufiyiin joogta Scotland, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer.


