Trump oo sheegay inay ku dhow yihiin heshiis laga gaaro Nukliyeerka Iiraan

0
141

Baladweyne ( Radio Beerlula)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiran ay ogolaatay nooc ka mid ah qodobbada heshiiska nukliyeerka ee Mareykanka.

Trump ayaa ku tilmaamay wadahadaladii u dambeeyay ee u dhaxeeyay labada dal, oo soo dhamaaday Axadii, inay ahaayeen wada xaajoodyo dhab ah oo lagu doonayo gaaritaanka nabada mustaqbalka fog.

La taliyaha hogaamiyaha ugu sareeya Iiran ayaa u sheegay NBC News in Tahraa ay diyaar u tahay inay tanaasul ka sameyso barnaamijkeeda Nukliyeerka si looga qaado cunaqabateynta.

Mareykanka ayaa ku adkeystay in Iiran ay tahay in ay meesha ka saarto tayeynta Yuraaniyaamka si ay uga hortagto in dalka uu sameysto hubka Nukliyeerka , inkasta oo Iiran ay ku adkeysaneyso in dhaqdhaqaaqeeda Nukliyeerka uu yahay mid nabadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here