Trump oo sheegay inuu soo afjarayo wadahadalka ganacsi ee Canada.

0
112

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu “si degdeg ah u soo afjarayo wada-hadallada ganacsi ee uu la leeyahay Canada” iyadoo waddanku u muuqdo inuu billaabayo dhaqan gelinta siyaasadda canshuuraha ee lagu beegsanayo shirkadaha waaweyn ee teknoolojiyadda.

Labada dal ayaa midba midka kale ku soo rogay canshuuraha badeecadaha ka dib markii Trump uu bilaabay dagaal ganacsi horaantii sanadkan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in qorshahan uu uga dan lee yahay sababo la xiriira waxa uu ugu yeeray “canshuurta weyn” ee lagu soo rogay shirkadaha teknolojiyadda, waxaana uu intaa ku daray in uu ku dhawaaqi doono canshuuro cusub oo la saarayo badeecadaha ka soo gudbaya xadka toddobaadka soo socda.

Tallaabadan u dambaysay oo uu kaga dhawaaqay baraha bulshada ayaa ku soo beegmaysa iyadoo wadamada dariska ah ay ku hawlanaayeen sidii ay ugu heshiin lahaayeen heshiis ganacsi bartamaha bisha July.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here