Trump oo soo bandhigay naqshadda cusub ee diyaaradaha madaxtooyada Mareykanka.

0
278

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday naqshadda cusub ee diyaaradaha madaxtooyada Mareykanka ee loo yaqaan ‘Air Force One’.

Trump ayaa naqshadda cusub ee diyaaradahaasi madaxtooyada soo bandhigay xilli uu wareysi siinayay telefishinka ABC ee dalkaasi Mareykanka.

“Waxaa soo baxaya diyaaradaha Air Force One oo cusub,” ayuu yiri Trump oo gacanta ku hayay sawirrada naqshadda cusub ee diyaaradahaasi oo lagu xardhay midabbada casaanka, caddaan iyo buluug.

Waa markii ugu horreysay oo dib loo naqshadeeyo dayaaradahani tan iyo xilligii madaxweyne John F Kennedy.

Dadka dhaliila madaxweyne Trump ayaa sheegaya in naqshadda cusub ee diyaaradahani madaxtooyada ay u egtahay diyaaradda uu khaaska u leeyahay madaxweyne Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here