Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan ayaa maanta gaaray magaalada Riyaad ee xarunta dalka Sacuudiga , halkaa oo uu kula kulmay dhiggiisa Sacuudiga, Faysan bin Farhan Al Saud.
Labada dal ayaa ka wada hadlaya Iskaashiga labada dhinac, iyadoo markii u horreysay la arkayo xiriirka labada dal inuu isku rogayo xulafo muhiim ah, xilli Sacuudiga uu balaayiin doollar ku maalgelinayo warshadaha difaaca Turkiga.
Turkiga iyo Sacuudiga ayaa sidoo kale gacan ka geystay cunaqabateyntii laga qaaday Suuriya iyo bixinta deymihii bankiga adduunka.
Inta lagu jiray booqashadii Trump ee toddobaadkii hore uu ku tagay Sacuudiga, wuxuu dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan kala hadlay Trump ,sidii xal loogu heli lahaa Suudaan oo uu caddeeyay inay ka go’antahay Riyaad, gaarista joojinta dagaalka Suudaan.


