Baledweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Turkiga ayaa sheegay inuu sii xoojinayo xiriirka qotoda dheer ee kala dhexeeya Afrika.
Turkiga ayaa maalgeshiyo badan ku sameeyay qaaradda Afrika sannadihii u dambeeyay, iyadoo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu 50 booqasho ku tagay 31 dal, labaatankii sano ee uu xukunka hayay.
todobaadkii la soo dhaafay Turkiga ayaa qabtay shir heer wasiir ah oo ay ka qeyb galeen wasiiro ka kala socda dalalka Angola, Chad, Comoros, Republic of Congo, Egypt, Equatorial Guinea, Ghana, Libya, Mauritania, Nigeria, South Sudan, Zambia iyo Zimbabwe.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, oo shir guddoominayay shir madaxeedka ayaa sheegay in ganacsiga qaaradda uu kor u dhaafay 35 bilyan oo doolar sannadkii hore, maal-gashiga tooska ah ee Turkigana uu hadda gaarayo $7 bilyan.
Turkiga ayaa noqday dalka afraad ee hubka ugu badan siiya dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika, wuxuuna gacan ka gaystay tababaridda ciidamada qalabka sida ee dalal badan.