UEFA oo ku dhawaaqay shaxdii ugu fiicnayd todobaadkan tartanka Champions League

0
23

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA ayaa soo saaray shaxdii ugu fiicnayd todobaadkan tartanka Champions League ama si kale haddii loo dhigo 11-kii xiddig ee ugu bandhigga wanaagsanaa.

Waxaa la soo gabagabeeyey kulammadii shanaad ee heerka guruubyada Champions League, iyadoo todobaadkan uu lama filaan wayni ka dhacay tartanka, kaddib markii ay kooxaha Juventus, Atletico Madrid iyo Barcelona dhammaantood ku hareen heerka guruubyada Champions League.

Haddaba waxaa jira xiddigo bandhig cajiib ah ka sameeyey tartanka Champions League kulammadii la ciyaaray labadii habeen ee ugu dambeeyey tartanka Champions League.

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaana ku dhawaaqay diiwaanka xiddigihii ugu bandhigga fiicnaa tartanka Champions League, iyagoo soo saaray shaxdii ugu fiicnayd UCL.

Kooxaha xiddigaha ugu badan ku yeeshay shaxdan waa PSG iyo FC Porto oo ku yeeshay min labo ciyaaryahan 11-ka xiddig ee ugu wanaagsanaa todobaadkan Champions League.

Dhinaca kale Kooxaha Bayern Munich, Sporting Lisbon, Atletico Madrid, Sevilla, AC Milan, Napoli iyo Liverpool ayaa min hal ciyaaryahan ku yeeshay shaxdan.

Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda todobaadkan ee Champions League:-