UEFA Oo Ogolaanaysa In Kooxda Cristiano Ronaldo Ee Al-Nassr Ay Kasoo Qayb-gasho Tartanka Champions League

0
140

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ka fiirsanaya in uu kooxda tababare Cristiano Ronaldo ee Al-Nassr uu ku casuumo inay kasoo qayb-galaan tartanka Champions League xilli-ciyaareedka dambe, taas oo haddii ay hirgasho noqon doonta wax ku cusu b kubadda cagta.

Toddobaadkii hore, Ronaldo ayaa dhaliyey goolkiisii 13aad ee horyaalka Sucuudiga ee xilli-ciyaareedkan markii ay kooxdiisa Al-Nassr 3-1 ku garaacday Al Wehda, waxaanay hadda afar dhibcood u jiraan Al Hilal oo hoggaanka haysa.

Xiddiga reer Portugal ee shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or, oo bandhig heersare ah ka samaynaya horyaalka Sucuudiga, ayaa waxa la sheegay in hadda uu fursad fiican u haysto inuu kusoo laabto Champions League.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee AlHarbi44, UEFA ayaa waxa ay qorshaynaysaa in isbeddelka lagu samaynayo tartanka Champions League xilli-ciyaareedka 2024/25 ee la kordhinayo kooxaha ka qayb-gelaya, in lasoo jeediyey in lagu daro kooxo kale oo sannadka koowaad ka qayb-gala, waxaana kooxaha miiska saaran ka mid ah Al-Nassr.