Uganda oo billowday tijaabada tallaalka cudurka Ebola.

0
138

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Uganda ayaa bilowday tijaabada tallaalka cudurka Ebola gaar ahaanna nooca Suudaan, kadib markii uu dib u dillaacay mar kale.

Ma jiro tallaal ansax ah oo loogu tala galay nooca Suudaan ee Ebola.

Arrinkaasi ayaa ka dambeeyay kadib markii cudurku ka dillaacay dalkaas hal qofna uu dilay labo kalena ay qaadeen.

Bukaankii ugu horreeyay oo ah nin 32 jir ahaa oo kalkaaliye caafimaad ahaa ayaa toddobaadkii hore geeriyooday.

Isniintii, qofkii ugu horreeyay ee tijaabada ka qeyb qaatay oo haatan karantiil ku jira ayaa helay kuuro tallaalka ah ama lagu muday.

Tallaalka ayaa waxaa soo saaray mashruuca dadaalka tallaalka AIDS ee caalamiga ah oo ah urur aan faa’iido-doon ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here