Uganda oo isku dayaysa in ay soo badbaadiso 22 muwaadininteeda ah oo loo tahriibiyay Myanmar.

0
99

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 22-qof oo u dhashay dalka Uganda ayaa lagu haystaa dalka Myanmar, kaddib markii lagu soo tahriibiyay halkaas si ay ugu shaqeystaan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha Uganda.

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay isku dayeyso in ay soo badbaadiso 17-ka nin iyo 5 dumar ah oo ay “hogaamiyeyaasha maxalliga ah” ka qorteen xaafadaha magaalada caasimadda ah ee Kampala.

Dhibanayaashan oo da’doodu u dhaxayso 22 ilaa 30 jir ayaa la sheegay in ay u maleeyeen in laga shaqaaleysiiyay dukaamada waaweyn ee Thailand iyo in ay qaban doonaan shaqoooyin kale oo caadi ah ama guri ama mid guri laga shaqeynayo.

Si kastaba ha ahaatee, markii ay yimaadeen Thailand, waxaa soo qaaday kooxo kale oo maxalli ah oo u gudbiyay xadka Myanmar.

Derrick Basalirwa Kigenyi, oo ah ku xigeenka isku duwaha qaranka Uganda ee ka hortagga tahriibinta dadka ayaa yiri“Waxa lagu hayaa halkaas si looga faa’iidaysto – inta badan waxay sameeyaan hawlo sharci darro ah oo internetka ah sida jabsiga nidaamyada internetka si ay u khiyaameeyaan dadka adduunka oo dhan.

“ Waxaan u maleynayaa in tani ay tahay mid dhaqaale ahaan looga faa’iidaysto laga yaabee dadka burcadda halkaas ay yihiin kuwa ka faaidesanaya.