Uganda oo lamaane Maraykan ah ku xukuntay kumanaan doolar kadib markii ay danbi ku heleen

0
44

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maxkamad ku taal Uganda ayaa ganaaxa lacageeda oo gaaraya $28,000 oo dollar ah ku riday lamaane Mareykana ah kadib markii qirteen danbi lagu soo eedayay oo ahaa in ay si xun oo bini’aadantinimada ka baxsan u garaaceen cunug 10 sano jira ah oo ay korsadeen.

Nicholas iyo Mackenzie Spencer ayaa qirtay eedeymaha lagu soo oogay oo ay ka mid yihiin tahriibinta caruur, jirdil iyo in ay si sharci darro ah ku joogeen Uganda.

Xaakim ka tirsan maxkamadda sare ee Ugand oo lagu magacaabo Alice Kyomuhangi ayaa sidoo kale ku xukuntay lamaanaha inay bixiyaan magdhow dhibbanaha la siinayo oo dhan 100 milyan oo shilinka Uganda ah oo u dhiganta 26,000 oo dollar.

Kiiskan ayaa caro weyn ku abuuray qaar ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqda carruurta ee Uganda, waxayna ku tilmaameen in cadaaladii lagu jees,jeesay.