Uganda oo shuruuc adag ka soo saartay carruurta darbijiifka ah.

0
345

Baladweyne(Radio Beerlula)- Baarlamaanka dalka Uganda ayaa meelmariyay sharci dambi ka dhigaya in carruurta darbi jiifka ah la siiyo lacag, cunto ama deeq kale.

Dadka sharcigaa jabiya ayaana mudan kara lix bilood oo xabsi ah ama ganaax lacageed oo 11 doolar ah.

Sharcigan ayaa looga golleeyahay in wax looga qabto carruurta loo dhiibo ganacsiyada waddooyinka iyo sidoo kale kuwa lagula kaco tacaddiyada.

Duqa magaalada Kampala Erias Lukwago ayaa sheegay in sharcigan uu sidoo kale qaban doono dadka carruurta ka ganacsada, kuwa kala iibiya iyo waalidka ay carruurtoodu waddooyinka ka tuugsadaan.

Uganda waxaa caadi ka ah carruur ay qaarkood 7 sano oo kali ah jiraan oo alaabo ku gada waddooyinka ay saxmaddu ka jirto iyo kuwo kale oo tuugsada.

Dawladda ayaa qiyaastay in carruurta darbijiifka ah ee da’doodu u dhaxaysoto ddobo illaa 17 ay gaarayaan 15,000, tiradaasina ay sii kordhayso.

Carruurtaas qarkood ayaa si sharci darro ah looga keenaa Tuulooyinka waxaana la dajiyaa qolal yaryar oo isku raranta ku yaalla.

Sharcigan ayaa sidoo kale dambi ka dhigaya in guryo laga kireeyo carruur ku hawlan arrimo anshax xumo ah ama ganacsiyo aan habboonayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here