Ugu yaraan 67 qof oo ku dhimatay diyaaraddii ku burburtay Nepal

0
131

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ugu yaraan 67 qof ayaa ku dhintay markii ay diyaaradi ku burburtay gobolka Pokhara ee dalka Nepal, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maamulka duulista hawada, waana shilkii ugu xumaa muddo ku dhow 30 sano ah oo ka dhaca dalka yar ee ku yaalla gobolka Himalaya.

Ra’iisul Wasaaraha Nepal , Kamal Dahal ayaa shir deg deg ah isugu yeeray golahiisa wasiirada isla markaana ugu baaqay hay’adaha dowladda inay ka qeyb qaataan howlaha gurmadka ah ee ka socdo goobta ay ku burburtay diyaaradda, waxaana la sameeyay guddi gaar ah oo baara waxa sababay shilka.

Dadka ku dhintay shilkan 53 waxay kasoo jeedaan Nepal, shan waxay u dhasheen Hidiya, Afar waa Ruush halka 2 qofna ay u dhasheen Kuuriya, sidoo kale diyaaradda burburtay waxaa saarnaa muwaadiniin kale oo kasoo jeeday Ireland, Australia, Argentina iyo Faransiiska.

Shilalka diyaaradaha kuma cusbo dalka Nepal, waxaana sabab u ah dhabbaha diyaaradaha ku orddaan oo garoomada ka fog iyo hawada oo xumaata.

Bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd markii diyaarad ay ku burburaty degmada Mustang ee isla Nepal, waxaana shilkaas ku dhintay 22 qof.